Thursday 7 January 2016

Jawaari “Waxaan ahay Ergay uu soo diray Madaxweynaha, gor-gortan kama galeyno….”

Janaayo 7 (Jowhar)— Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaasi ii oo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Afhayeenka Baarlamaanka waxaa wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, 25 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad soo dhaweyn aheyd oo wafdiga loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyey shacabka iyo maamulka halkan sida ay usoo dhaweeyeen waxaana dhanka kale ay Xildhibaannadu tilmaameen in loo baahan yahay nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah.
Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hogaanka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida ay u aqbaleen marti qaad ay u fidiyeen waxaana uu dhanka kale tilmaamay iney soo dhaweynayaan wafdiga wax walba oo ay u keenaanna ay diyaar u yihiin.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn yiri “maanta waa maalin taariikhi ah, uma ahan taariikhi in aan Dhuusomareeb nimid laakiin waxey ku tahay in nin meel ku oodan oo aan u nimid inaan shacabkiisala heshiisiinno uu na cambaareeyo, waxa aan u nimid inaan dhageysano cabashadiinna maadaama aad tihiin shacabka aynu metelno” .
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ayaa u mahad celiyey maamulka iyo shacabka gobollada dhexe sida ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu yiri “ waxaan ahay ergey uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, nabadda iyo midnimadda Umadda Soomaaliyeed marna gor gortan kama galeyno waxaa la joogaa xiligii isku tanaasulka waxaanna codsaneynaa inaad nabadda nagu raacdaan, dowladda diyaar ayey idiin tahay” .
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo caawa ku hooyan doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kulammo la qaadan doonna qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.
DSC06806DSC06809DSC06815DSC06848DSC06872DSC06877DSC06893DSC06903

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...