Monday 21 July 2014

Dowladda faderaalka oo beenisay in la iibsaday badda Soomaaliya


Wasiirka-Kallumeysiga
Muqdisho [RBC Radio] Wasiirka Kalluumaysiga iyo qeyradka badda xukuumadda Soomaaliya,Maxamuud Coloow Baroow oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho,waxaa uu sheegay dowladda inaysan wax wada-hadal ah ka gali doonin badda Soomaaliya.
Waxuu uu beeniyey warar dhawaanahan soo baxayey oo ay saxaafaduba wax ka qortay kuwaaso sheegayey in badda Soomaaliya la iiban doonno oo ay dowladda faderaalku wada-hadal kala gali doonto Kenya.
“Waa war xaqiiqada ka fog dadka oranaya badda Soomaaliya la gadaya ama la iibinaya,waxaan idin sheegay majiro wax waa-hadal ah ama ay dowladda Soomaaliya gor gortan kala gali doonin badeedda,”ayuu yiri wasiir Baroow.
Wasiirku waxaa kalo uu shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday in badda Soomaaliya la yaqaano xadduudeeda oo ayasan dhici karin in gor gortan laga galo,isla markaana aysan jirin cid wax ka beddeli karta.
Wasiirka ayaa sheegay in ay wasaaraddiisu diyaar u tahay in ay xildhibaannada baarlamaanka ka tuhun bixiso wararkaas oo uu xusay in ay suuqa gelinayaan dad aan rabin jiritaanka Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in xudduudda badda Soomaaliya la sameeyay xilligii gumeystaha uu dalka joogay, isla markaana aysan jirin cid wax ka beddeli karta.
Ugu danbeyn,waxaa uu sheegay wasiirku in ay wasaaraddiisa qaadanayso mas’uuliyadda wixi ku saabsan kheyraadka badda, isla markaana dhaqaalaha ka soo baxa badda lagu horumarimayo kheyraadka laga soo saaro badda, hay’adaha wax-soo-saarka sameeya iyo nolosha dadka ku nool xeebada dalka.
Shirka jaraa’id ee wasiirku waxaa uu ku soo aadaya xilli dhawaan wareysi uu bixiyey admiraal Faarax Axmed Cumar Faarax Qare oo ah guddoomiyaha hay’ada cilmibaarisa badda uu ku sheegay in aysan jirin wax muran ah oo ka taagan badda Soomaaliya islamarkaana madaxweynaha Soomaaliya uu caalamka u diray warqad muujineysa xadduuda badda Soomaaliya,si caalamku u ogado.
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...