Tuesday 8 April 2014

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta go’aamiyey in la joojiyo bixinta warqadaha aqoonsiga[Dhageyso]

 

Mahad Cabdalla Cawad
Mahad Cabdalla Cawad
Muqdisho[RBC Radio]Fadhi ay maanta yeeshen baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa maalintii labad waxaa ay kaga dooden Warqadaha Aqoonsiga iyo sameysashada baasa boorka Soomaaliga.
Mooshinka ay maanta baarlamaanku doodaha adag ka yeeshen ayaa ahaayd fududeynta helidda Baasaboorka iyo Warqadaha Aqoonsiga oo maalintii shalay ay Xildhibaanadu bilaabeen doodiisa, taas oo ay soo gudbiyeen qaar kamid ah mudanayaasha golaha kadib markii sida ay sheegeen culeys badan kala kulmeen dadka doonaya warqadaha Aqoonsiga iyo sameysashada baasa boorka Soomaaliga.
Kulanka maanta ee ay baarlamaanku yeeshen,waxaa shir guddoomiyey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad,waxaana uu dahfuray dooda baarlamaanka.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilligii uu guddoonka furay fadhiga,waxaa ay guda galeen dooda ku saabsan fududeynta helidda Baasaboorka iyo Warqadaha Aqoonsiga, iyaga oo mudanayaashii goobta ka hadlay ay si isku mid ah u sheegeen in Warqadaha Aqoonsiga ee hadda ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar ay tahay mid sharci daro oo ay dhib weyn ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii gudoonka golaha xildhibaannada,Mahad Cabdalla Cawad ayaa akhriyay go’aanka mudanayaasha ay ka soo saareen arrinta qaadasha Warqadaha Aqoonsiga, iyada oo ugu dambeyntii cod loo qaaday kaddib markii ay Xidlhibannadu ay isku raaceen in la joojiyo bixinta Warqadaha Aqoonsiga ilaa sharci uu Barlamaanka ka soo saaraayo.
Halkan ka dhageyso hadalka guddoomiye ku-xigeenka:-


Dhinaca kale gudiga Arimaha gudaha ee Barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa ay ka hadleen howl maalimeedka gudigda, gudoomiye ku-xigeenka gudiga Xildhabaan Daahir Aamin Jeesow oo war baahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in kulankooda ay arrimo dhowr ah kaga hadleen.
Go’aanka  baarlamaanku gaaren,waxaa uu ku soo adaysa xilli muddooyinkii danbe shacabka Muqdisho ay ka cabanyeen qaadashada warqadaha aqoonsiga oo ay sheegan inay dhib badan ka maraan,waxaana laga qaata waraaqahan  dalwlada hoose ee magaalada Muqdisho.
Dadka qaar waxaa ay sheegan marka ay dalbanayaan inay helaan warqada cadeynaysa Soomaalinimadooda in laga qaado lacago,halka sidoo kale ay sheegan inay dhib farabadan ka maraan.
_____
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...