Tuesday 21 June 2011

Ethiopia: Xasuuq ciidanka Liyuu bolisku kagaysteen degmooyinka Gursum iyo Dhadhamane


06/20/00
Format for printing    
Jigjiga(Kilil5)---Ciidamada Liyuu booliska deegaanka ayaa dhawaan xasuuq aad u foolxun kagaystay tuulooyin katirsan degmada dhadhamane (baabile) iyo gursum, halkaas oo mudo dhawr todobaad laga joogo ay ku laayeen dad 22 qof gaadhaya oo ubadnaa dad shacab ah iyo qaar kamida ciidamadii maleeshiyada ahayd ee ladagaalamijirtay jabhada. Dadkan yaa lagulaayay meesha looyaqaan ceelbaxay iyo cobosha oo kakala tirsan gursum iyo dhadhamane.
Cobosha ayaa ah saylada xoolaha ee ugu wayn deegaanka kana tirsan degmada dhadhamane xigtana dhanka gobolka fiiq. Tuuladan cobosha ayaa noqotay goob ganacsi kadib markii degmadii Baabile ee katirsanay deegaanka ay ku biirtay deegaanka Oromiya, halkaas oo markii hore ay somalida iyo oromodu xoolaha u iibgaysan jireen ahaydna mid kamida sayladaha xoolaha ee ugu wayn dalka. cobosha oo bulshada somaliyeed ay usoo iibgayn jireen xoolaha ayaa noqotay goob ganacsigeedu aad ubalaadhay isuguna yimaadeen ganacsato tirobadan. Dadkan lalaayay oo 20 kamid ahi lagu dilay ceelbaxay ee degmada gursum ayaa markii hore ay soo xidh-xidheen ciidamada booliska deegaanku halkaas oo markii dambe ciidan liyuu boolis ah oo katagay degmada Gursum oo uu hogaaminaayay Shaambal magaciisa naloogu sheegay Barrax ay ugu tageen dadkii xidh-xidhnaa tuulada Ceelbaxay, kuwaas oo xoog kaga sookaxaystay dadkii xidh-xidhnaa ee ay hayeen boolisku kadibna ay dhamaantood gawrac mariyeen diideena in la aaso.
Xogtan oonu helnay dhawr todobaad kahore ayaan baryahanba kumashquulsanayn xaqiijinteeda iyo helida wararka saxda ah ee khasaaruhu inta uu leegyahay. Kadib markii ciidanku ay laayeen dadkii shacabka iyo maleeshiyada isugu jiray diideena in la’aaso ayaa qaar kamida odayaasha udhalatay deegaankaasi ay cabashooyin gaadhsiiyeen xarunta laga maamulo ciidanka faderaalka harargee ee fadhigiisuyahay magaalada Harar halkaas oo odayaashii lagu daray baabuur gaashaaman iyo ciidan tirobadan si ay usoo xaqiijiyaan arinkan, halkaasna ay kalakulmeen xaalad aad u foolxun dadkii maydka ahaa oo banaanada ku qalafay xayawaankuna ku cuneen iyaga oo waliba gacmaha iskaga wada xidhan. Ciidankii faderaalka ahaa yaa kasooqaaday sawiro kana sooduubay cajalado fiidyow ah xasuuqan fooshaxun iyo sida ay wax u jireen. Sidookale odayaashii ayaa ciidankii usiiwaday dhankaas iyo xarunta ganacsiga ee cobosha oo iyadana ay dad shacab ah sidan ookale ugulaayeen, halkaasna ay ugu tageen 2 haweenay ah oo ay dileen ciidanka liyuugu oo gacmaha iskaga xidhan maydkoodana ay diideen inay aasaan halkaas oo iyagana ay kasoo duubeen filimaan kana sooqaadeen sawiro.
Ciidamada qaranka ayaa sida aanu warka kuhelnay gaadhsiiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha cabashooyinkii, sawiradii iyo filimadii ay kasooqaadeen xasuuqa ciidankan. Sidookale ciidanka liyuuga ayaa todobaadkii inasoodhaafay isla tuulada cobosha ku dilay 8 nin oo ganacsato ahayd tukaano iyo hantina kulahayd tuuladan. Ciidamada faderaalka ayaa sida aanu warka kuhelnay xabsiga dhigay shaambalkii watay ciidankan xasuuqa gaystay shaambal barrax iyo qaar kamida ciidankii lasocday.wararkale oonu kahelnay dad kudhadhaw xukuumada deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in ra’iisal wasaare Males oo lasoo hadlay madaxwaynaha deegaanka Cabdi Maxamuud, su’aalona kawaydiiyay canaan kululna usoojeediyay. Sidookale waxaa naloosheegay in ciidamada faderaalku ay amar kusiiyeen ciidamada liyuuga in aysan ka dhaq-dhaqaaqi karin oo aysan meela uga bixikarin goobaha ay kusuganyihiin gaar ahaan meelahan uu dhibku kadhacay. Waxaana lasheegayaa in ay deegaanka loosoodiridoono 7000 oo ah ciidamo sigaara u tabobaran (kumaandoos) kuwaas oo kahawlgalidoona deegaanka si ay usugaan amniga una dabarjaraan jabhada garabka nabadadiiday iyaga oo sida lasheegay qaadan doona sahaydooda mudo dhawr bilood ahna wareegidoona gudaha deegaanka. Ciidamada Liyuuga ayaa iyagana lasheegayaa in dhamaantood lagu xarayndoono goobo tababar marka ay soodhamaystaana laga yaabaa in lagu daro ciidanka faderaalka ama toos loohoos keenidoono ciidanka faderaalka.
Xasuuqa iyo tacadiyada ay gaysanayaan ciidanka liyuugu ayaa ah mid isasootaraaya, cid ka hadlaysaana aysan jirin marba marka kadambaysana faraha kasiibaxaay. Dadka xoolo dhaqatada ah ayaa marka aad waraysatid kuusheegaya in xaalada ay ku suganyihiin ay tahay mid aan laga sheekayn karin iyaga oo kuushegaya in xidhka iyo kaymaha dhexdooda ay uga dul dhaadhacaan maydadka iyo lafaha dadka lagu laayo miyiga. Dawlada faderaalka ayaad iyada moodijirtay in ay ka indho qarsanaysay xaalada deegaanka balse hada waxaad moodaa in u adkaysan waayeen dhibka iyo xasuuqa laguhayo dadka ra’yidka ah, hada kadibna waxaa lagayaabaa in ay faragalin toos ah kusoosameyaan deegaanka.
Shamso Cumar
Jigjiga, Kilil5

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...